Waxaa cirka iskusii shareeraya khilaafka siyaasadeed ee udhaxeeya dowladda dabadhilifka Masar iyo xukuumadda saliibiyadda Itoobiya kaasi oo ku saabsan qeybsiga biyaha webiga Niil.
War rasmi ah oo kasoo baxay xukuumadda Ridada Masar ayaa lagu sheegay in dowladda Xabashida ay halis ku hayso malaayiin qof Masaari ah kuwaas oo noloshoodu ku tiirsantahay biyaha webiya Niil.
Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Al Qaahira oo khudbad ujeedinayay waxa loogu yeero golaha ammaanka Q.Midoobay ayaa ku eedeeyay dowladda Itoobiya si kaligeed ah ay ugu tasarufayso biya xireenka Alnahda ee laga dhisay halka uu kasoo burqado webiga Niil.
Masar waxay sheegtay in qeylladu ay ka dhammaatay islamarkaana ay shaqeyn waayeen dacwooyin dhowr ah oo ay Itoobiya ka gudbisay sidaas daraadeed ay ku qasbanaan doonto in ay qaaddo tallaab ay ku difaacanayso biyahaheeda sida ay hadalka udhigtay.
“Ka dib markii ay dhammaadeen dhammaan hababka nabadeed, oo ay ku jirto in marar badan loo laabto Golaha Ammaanka, iyadoo la rajeynayo in lagu qanciyo Itoobiya in ay joojiso siyaasadeeda sharci darrada ah ee halka dhinac ah oo ay aqbasho mid ka mid ah xalalka dhexdhexaadka ee jira ee ku dheelli tiran danaha iyo xuquuqda dhammaan dhinacyada, Dowladda Masar waxay diyaar u tahay inay isticmaasho difaacidda xuquuqda iyo danaha shacabka Masar oo ay ilaaliso”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xukuumadda dabadhilifka Masar.
Wararka ayaa intaas ku daraya in nidaamka Qaahira uu billaabay olole diblumaasiyadeed oo ka dhan ah xukuumadda Abiy Axmed, isbuucii lasoo dhaafay ayay aheyd markii uu wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ku eedeeyay Masar in ay xasillooni darro ka waddo geeska qaaradda Afrika.
Billaawgii sanadkan ayay Masar iclaamisay in gebi ahaanba isaga insixaabtay wadahadalladii ay kula jirta Itoobiya ee ku aadanaa biya xireenka Al Nahda ,wadahadalladaas oo socday waxkabadan 11 sanadood oo xiriir ah.
FAAFREEB PRO