Warbixin uu daabacay wargeyska Daily News ayaa ka hadleysa dowladaha Masar iyo Suudaan oo ganafka ku dhuftay heshiis ay Itoobiya horboodaysay oo wadamada bariga Afrika awood dheeraad ah usiinaya adeegsiga biyaha webiga Niil.
Shir ay yeesheen ururuka CFA oo ah mid ay hogaanka u heyso Addis Ababa qeebna ay ka yihiin dalalka Tanzania, Rwanda, Uganda, Burundi iyo South Sudan ayaa laga soo saaray warar u cunami waayey dowladaha Masar iyo Suudaan oo la ogyahay miisaanayiada awoodeed ee ay leeyihiin marka laga hadlayo qadiyada wabiga Niil.
Heshiiskan ay gaareen ururuka CFA ayaa awood buuxa u siinaya dhamaan wadamada aynu soo sheegnay ee uu maro wabigan iney helaan awoodo lamid ah kuwa Suudaan iyo Masar, wixii hada ka bilaabatana ay kordhi doonto saamiga iyo hab maamulkooda ay ku lahaayeen wabigan.
Kadib soo bixitaankii hadalkaas, waxaa durbadiiba shir yeeshay guddiga farsamada Joogtada ah ee biyaha Niilka oo ay ku jiraan Masar iyo Suudaan, waxayna soo saareen bayaan ay ku cadeenayaan in marnaba aysan dheceyn in la dhaqan galiyo qodobada kasoo baxay shirka CFA, aysana aqoonsaneyn guud ahaanba ururukaas.
CFA oo laga soo gaabiyey Cooperative Framework Agreement waa ururu sida la aamisanyahay loo aas aasay si dowladaha Itoobiya, Tanzania, Rwanda, Uganda, Burundi iyo South Sudan ay uga hoos baxaan midka ay awoodiisa haayaan wadamada Masar iyo Suudaan, loona helo aragtiyo iyo talaabooyin is barbar socda sidaba hada taagan.
Waxaana la aamisanyahay in talaabadaan uu qaaday ururka CFA iyo kasoo horjeedsiga ay sameeyeen Masar iyo Suudaan ay dab kusii shidi doonto xiisada hada ka taagan bariga Afrika ee u dhexeysa Itoobiya iyo kooxda Xasan Sheekh, maadaama Masarta ay Itoobiya isku hayaan fagaarooyinka kale ay dooneyso iney dhawaan soo sal dhigato gudaha Soomaaliya, taasina ay ka dhalaneyso dagaal toos ah oo ay Addis Ababa ka gasho gudaha wadankan iyadoo beegsaneysa masaalixda Al-Qaahira.
FAAFREEB PRO