Khilaafka udhaxeeya kooxda ridada dhaxdeeda ayaa gaaray meeshii ugu sarraysay,xilli ay kala dhaqaaqeen qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada iyo madaxda kooxda ridada ayuu khilaafkaas saameeyay wasiirrada iyo xildhibaannada murtadiinta.
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada iyo warbaahinta qabsaday eedaymo kulul oo ay hawada isku marinayaan wasiirka gaashaandhigga kooxda ridadada nin lagu magacaabo Murjaan oo kamid ah xubnaha golaha dawaaqiidda murtadiinta.
Ugu horrayn C/qaadir Max’med Nuur oo baraha bulshada loo yaqaan Wasiir Tiktok ayuu xildhibaan Murjaan ku eedeeyay in uu yahay jaasuus ushaqeeya dowlado shisheeye islamarkaana lunsaday lacagihii mushaarka ee loogu talagalay maleeshiyaadka murtadiinta.
wuxuu sheegay in wasiirka difaaca uu tahluko geliyay boqolaal maleeshiyaad murtadiin ah kadib markii uu ku guray furimaha dagaalka kadibna ay mujaahidiinta alshabaab gummaad kala dul dhaceen.
wuxuu tusaale usoo qaatay dagaalladii ka dhacay Masagawaay iyo Masaajid Caliguduud halkaas oo kooxda ridada maleeshiyaad farabadan looga laayay.
Wasiirka gaashaandhigga kooxda ridada ayaa isna qoraallo umuuqday aflagaaddo soo dhigayay baraha bulshada isagoo weerarayay xildhibaano katirsan dawaaqiidda oo diiday ajandayaasha siyaasadeed ee xasan gurguurte wato sida waxa loogu yeero doorasho qof iyo Cod.
Shariif sheekh axmed,cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo murtadiin kale ayaa iyana warbaahinta kasoo muuqday iyagoo eedaymo kulul ujeedinaya madaxa kooxda ridada.
Axmed Macallin Fiqi iyo wasiirka g/dhigga oo umuuqda in ay metelayaan madaxa kooxda ridada ayaa iyana jawaasiis khaa’imiin ah ku tilmaamay mucaaradka.
Markale xildhibaan Murjaan oo murtadiinta katirsan ayaa wasiirka gaashaandhigga ku tilmaamay jaahil qashin ciyaala suuq ah islamarkaana qeyb ka ah boobka iyo dhaca lagu hayo bulshada soomaaliyeed.