Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka oo Galaya Safarkiisii ugu Dambeeyey.

Jan 5, 2025

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ayaa gali doona safarkiisii ugu dambeeyey ee dhanka dibada isagoona gaari doona wadamo dhowr ah oo dhaca qaaradaha Yurub iyo Aasiya.

Sida uu nahsiryey joornaalka Business Standard Antony Blinken ayaa maanta oo Axad ah bilaabaya booqashadi u danbeysay ee uu dal dibadda ah ku tago, ka hor inta uusan dhammaan muddo xileeda dowladda uu ka tirsanyahay 20-ka bishaan Jannaayo ee sanadkan 2025.

Blinken ayaa tagi doona dalalka Kuuriyada Koofureed, Japan iyo France. war kasoo baxay waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in madaxda dalalkaasi kula kulmi doono caasimada Seoul, Tokyo iyo Paris.

Kuuriyada Koofureed waxaa hadda ka jira qalalaaso siyaasadeed oo ka dhashay xal ka qaadisti madaxweynihi hore Yoon Suk Yeol, halka Japan uu Bilinken safarkiisa diiradda ku saari doono sii xoojinta xiriirka Washington iyo Tokyo waa sida waaxdu ay hadalka u dhigtee.

Blinken ayaa socdaalkiisa ugu danbeeya ku soo xiri doona Paris, halkaas oo la filayo in uu madaxda Faransiiska kala hadlo xiisadaha Bariga Dhexe iyo khatarta ku gedaaman amniga Yurub si gaar ahaaneed Ukraine.

FAAFREEB PRO