Maleeshiyaadka kooxda Riddada Somalia, ayaa qaaday olole raaf ah oo ay ku beegsanayaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaannada dhaca duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Saraakiisha iyo maleeshiyaadka waxay ugu kala yeeraan booliska iyo kuwa boolis Militaaro ayaa raafkan ka sameeyay deegaanada kala ah Garasbaalley iyo ceelasha biyaha oo wada dhaca duleedka Muqdisho, waxayna kusoo qabqabteen boqollaal dhalinyaro ah.
Dadka shacabka ah ee ay raafka kula kaceen maleeshiyaadka dowladda Riddada, ayaa loo taxaabaa xabsiyada magaalada Muqdisho, si halkaas lacago madax furasho ah looga qaato iyagoo aan wax dambi ah lahayn, si ay qayb uga noqdaan mashaariicda uu lacagaha ka sameeyo Xasan murtad.
Sidoo kale kooxda Riddada ah ee uu madaxa ka yahay murtad Xassan Sheekh Maxamuud ayaa si ay u ballaariso una bannaysato boobka ay ka wado caasimada ee ay ku beegsanayso hantida shacabka Soomaaliyeed, waxay gaadiidleyda ka howlgala caasimadda kusoo rogtay ammar ah in uusan magaalada ka shaqayn karin baabuur aan wadan buuga gaariga, gaadiidleyda oo arintaasi ka hadlay ayaa sheegay in badi gaadiidkooda ay dayn ahaan uga qaateen bankiyada caasimadda, si hantidooda loo dhacana loo soo rogay amarkaasi.
Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay ka sheeganayay dhaqaale xumo aad u baahsan oo ay sababtay boobka iyo bililaqada ay wado dowladda uu madaxa ka yahay Gurguurte, taasi oo gaartay heer ay canshruuto maytada sanaayooyinka badan aasan, dhulalka, ganacsatada, gaadiidleyda iyo xitaa dadka lacagaha isugu dira taleefannada gacanta ayay si isku mida hantidooda u boobtaa kooxdan Riddada ah ee fadhigeedu yahay Muqdisho.
FAAFREEB PRO