Waxaa lagu soo waramayaa in saacadihii lasoo dhaafay uu guud ahaan go’ay qadkii taleefanka ee ay kuwada xiriiri jireen bulshada ku kala sugan wadamada Itoobiya iyo Eretariya, iyadoo aanan weli la shaacin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa arinkan.
Sida uu daabacay wabsite-ka Addiss Insight ee kasoo baxa gudaha dalka Itoobiya, Eritrea ayaa jartay khadka telefoonka ee u dhexeeya iyada iyo Itoobiya, iyadoo aanan ilaa hada ka hadlin waxa rasmiga ah ee ku riixay arinkan.
Sida website-ka uu sheegayo talaabadaan ayaa muujineysa in uu sii xumaanayo xiriirka u dhexeeya xukuumadaha Asmara iyo Addis Ababa, waxaana midan lagu sifeeyey iney ka dhalatay xiisada mudooyinkan dambe ka taagan gobolka geeska Afrika, iyo isku soo dhawaanshiyaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh iyo Afawerki.
Midan ayaa hada caqabad hor leh waxa ay ku noqotay bulshooyinka kala jooga Labada wadan ee wada xiriiri jiray, xaalada ayaana hada kusoo wada uruurtay in dadku ay fariimo isagu diraan dhanka Internet-ka, waxaana hada laga cabsi qabaa in mid kamid ah dhinacyadu uu qaado talaabo geysata burbur bulsho.
Waxay midan kusoo beegantay xilli horay xukuumada Asmara ay u joojisay duulimaadyadii Ethiopian airline, taasoo la aaminsayahay iney halbowlo u ahayd bulshooyinka ku kala sugan Labada wadan, waxa hada la sugaa ayaana ah sida la sheegayo talaabooyin ka adag kuwan oo ay dhinacyadu qaadaan.
FAAFREEB PRO