Xukuumada Mexico oo Mareykanka Garab ka Siineyso Musaafurinta Qoxootiga.

Jan 4, 2025

Sida uu daabacay joornaalka Newsweek dowladda Mexico ayaa saacadihii lasoo dhaafay sheegtay iney si buuxda Mareykanka ugu garab sitaagayaan soo celinta dadka qoxootiga ah ee ku nool gudaha dalka Mareykanka, ayna kaalin lixaad leh ka geysanayaan arinkaas waa sida ay hadalka u dhigtee.

Claudia Sheinbaum oo ah madaxweynaha Mexico yaa soo bandhigtay rabitaankooda ah in ay kala shaqeyso Donald Trump qorshaha soogalootiga la musaafurinayo, kuwaas oo ay ku jiraan tahriibayaal fara badan oo u dhashay dalka ay madaxweynaha ka tahay.

Mexico ayaa Mareykanka ka caawin karta jihooyin kala duwan sida joornaalku uu tibaaxayo, waxaana suuragal ah in midaan ay hirgasho si wada jirna ahna gudaha Mareykanka looga soo wada saaro dhamaan soo galaatiga, midaas oo ah ujeedka weyn oo uu Trump damacsanaa in muddo ah.

Xukuumada Mexico ayaa lagu waramayaa in midaan ay u sameysay si cilaaqaadka Mareykanka ay wanaajiso meeshana looga saaro canshuurta %25 ka ah ee Donald Trump saaray badeecadaha Mexico, taasoo aa baqdin galisay dalkan.

Dhanka kale waxaa lagu waramayaa in dowladda Mexico ay isku diyaarisay iney qaabisho dhamaan qoxootiga laga soo musaafuriyo dhanka Mareykanka, iyadoona usii gudbin doonta wadamadooda waliba si abadi ah oo aysan dib dambe ugu laaban Karin.

FAAFREEB PRO