Xukuumada Qaahira oo Shaacisay Inay Ciidamadeeda Usoo Dirayso Soomaaliya.

Oct 20, 2024

Wasiirka Arrimada Dibadda Masar Badar Abdelatty oo wareysi siinayey warbaahinta Masar ayaa xaqiijiyey in dowladda Masar ay qorsheeynayso inay Soomaliya usoo dirtay ciidankeeda.

Wuxuu sheegay inay ka go’an tahay in kooxda ridada ay ka taageeraan dhinaca Amniga “Masar waxa ay diyaar u tahay in ay bixiso gargaar kasta oo ay u baahan karaan dadka Soomaaliyeed,” ayuuna yiri wasiirkan.

Tani waxay kusoo beegantay toddobaadyo uun ka dib markii Masar, Soomaaliya, iyo Ereteriya ay ku heshiiyeen heshiis sedex geesood ah oo dhinaca militariga ah oo ka dhan ah Itoobiya.

Arrintaan waxay sidoo kale kusoo aadaysa xilli xiisada u dhaxeeysa Masar iyo Itoobiya ay kusii xoogeysanayso mandiqada Geeska Africa, waxaana la saadaalinayaa qarxida dagaal lagu halakoobo oo ay Itoobiya la gasho xukuumada Qaahira, Asmara iyo mida kooxda ridada Soomaaliya.

FAAFREEB PRO