Xuuthiyiinta oo Beegsaday Saldhiga Mareykanka uu Leeyahay.

Aug 6, 2024

Askar American ah ayey dhaawacyo halis ah ay kasoo gaareen weerar sawaariikh ah oo ka dhacay saldhig kuyaal galbeedka dalka Ciraaq.

Saldhiga gantaalada lagu ekeeyey ayaa la sheegay inuu yahay kan cirka Mareykanka ee Caynul Asad.

Sida uu cadeeyey xogayaha arimaha dibada Mareykanka Loyd Austin, waxaa weerarkan xoogan halkaas ka fuliyey maleeshiyaatka ay taageerto xukuumada shiicada ah ee Iran ee Xuuthiyiinta.

Kani aya dabcan noqonaya howgalkii ugu dambeeyey ee ay maleeshiyaatkan ku qaadaan saldhiga ciidanka circa Mareykanka ee Ceynu Asad, xilli ay sii karaar qaadaneyso xiisada u dhexeysa labada dhinaca.

FAAFREEB PRO