Xuuthiyiinta oo Dhulka soo Dhigay mid Kamid ah Diyaaradaha ugu Qaalisan Mareykanka.

Sep 8, 2024

Maleshiyaatka ay dacmiso xukuumada shiicada ah ee Iran ee Xuuthiyiinta ayaa dhulka soo dhigay mid kamid ah diyaaradaha Mareykanka malaayiinta doolar ugu fadhiya iyadoona uu hadlay afhayeenkooda.

Waxaa lagu soo waramayaa in saacadihii koobnaa ee ina weydaartay uu war kasoo yeeray afhayeenka Xuuhitiinta ninka lagu Magacaabo Yaxya Al Sariic isagoona cadeeyey in howgallo ay fuliyeen ay dhulka kusoo dhigeen diyaarad Drone oo nuuceedu yahay MQ9, waana kuwa ka qeyb qaata difaaca bada cas iyo ilaalinta masaalixda markiibtooda iyo kuwa reer yurub, walow mararka qaar ay geestaan jaraaim ay ku bartilmaameedsanayaan shacabka.

Afhayeenka ayaa shegay in diyaaradahaan markii ay begsanayeen ay ahayd mid dul heehaabaysay hawada sare ee Ma’rib, iyadoona dameceedu ahaa in halkaas ay ka fuliso duqeymo xoogan oo ay u geysato rayidka Yeman ee aan waxa lugta ah ku leheen loolanka socda mudooyinkan dambe, waana sida lagu xusay warsaxaafadeedka kasoo baxay Xuuthiyiinta.

“Difaaca cirka Xuuthiyiinta waxaa uu fuliyey howgall uu dhulka kusoo dhigay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo ah MQ-9 oo Maraykankuna uu leeyahay, waxayna xilligaas dooneysay iney gobolka Ma’rib ka fuliso howgallo cadawtooyo” waxaa sidaa yiri Yaxya Al Sariic.

Waxa uu ninkaan intaas ku daray, in diyaradahan loo yaqaano MQ9 aysan ahayn markii ugu horeysay ee ay Mareykanka kasoo ridaan, balse ay hada tahay markii 8aad taasoo ka dhigan horay dhulka loo soo dhigay ilaa 7 kale oo xukuumada Biden ugu fadhiyey lacago malaayiin dollar ah.

Diyaaradaha MQ9 waa kuwa uu si aad ah ugu faano mareykanka, kaalmaha horana uga jiro diyaaradihiisa dagaal, waxaana midan lagu tilmaamay inay tahay dhabar jab adag oo xaga diyaaradaha ah oo usoo hoyday Mareykanka.

Ugu dambeyn afhayeenka maleeshiytaaka Xuuthiyiinta ayaa sheegay iney sii laba jibaaryaaan howgaladooda joogtada ah, waxaana lagu soo waramayaa in maalmihii lasoo dhaafay xiisada marinada muhiimka ah ee bada cas ay u muuqdeen kuwa ka cabsi badan sidii hore, maraakiibtuna ay isku dayayeen iney ku maraan qaab feejignaan dheeri ah leh, halka kuwa kalana lala eegtay gantaalo xoogan.