Xuuthiyiinta oo hub ku Kacaya Malaayiin Doolar Kala Soo Wareegeysa Ruushka.

Oct 9, 2024

Majalada Wall Street Journal ee kasoo baxda dalka Mareykanka ayaa daabacday maqaal ay uga warbixineyso maleeshiyaatka ay taageerto Iran ee Xuuthiyiinta oo hub ku kacaya malaayiin doolar kala soo wareegaya dowladda Ruushka.

Sida ay tibaaxeyso xogta majalada, hubkan ayaa ku kacaya lacag gaareysa ilaa 10 milyan oo dollar, waxayna xukuumada Moscow wareejintiisa ay u xilsaareysaa sida la sheegayo ganacsadaha hubka ee Viktor Anatolyevich, lama soo bandhigan ilaa hada nooca hub ee la gaarsiinayo Xuutiyiinta.

Victor Anatolyevich oo dhanka kale lagu naaneyso ganacsadaha geerida waa 57 oo dhashay dalka Ruushk, waxana xabsi ku yaala dalka Mareykanka laga sii daayey sanadkii 2022, kolkaas oo ay Moscwo ku badalatay haweeney Ameerikaan ah oo ciyaarta kubada Kolayga, taasoo lagu qabtay gudaha Ruushka iyadoo dhoofineysa daroogo horay loo mamnuucay.

Reer yurub ayaana hada aaminsan in hadii Ruushku uu Victor usoo wakiishay in hubka uu sida ugu dhaqsiyaha badan u gaarsiiyo Xuuthiyiinta uu fulin karo talaabadaas weliba sida ugu dag dagsiimada badan, maadaama uu ninkan awood u leeyahay in qofka hubka kasoo dalbado uu ugu geeyo gurigiisa xitaa haba ku yaalo tuulo fog oo ku taala cirfka ugu dambeeya dunida, waana sida ay warbixintu leedahay.

Ilaa hada lama shaacin nuuca hubkan la doonayo in lagu wareejiyo Xuuthiyiinta, balse waxaa la saadaalinayaa iney qeyb ka noqon doonaan gantaalada ridada dheer, iyo qalabka difaaca hawada oo casri ah, si ay uga hortagaan gantaalada kala duwan ee uga imaanaya dhanka Mareykanka iyo xitaa wadamada kale ee reer yurub.

Waxayna midaan sida la aaminsayahay ay baasiin kusii shubi doontaa loolanka ka holcaya bada cas.

FAAFREEB PRO