Xuuthiyiinta oo Kasoo Horjeestay Hindise uu Keenay Mareykanka.

Jan 4, 2025

Xuuthiyiinta ayaa kasoo horjeestay hindise uu Mareykanku gar wadeenka ka ahaa isla markaana lagu doonayey in lagu qaboojiyo xaalada Bada cas iyo weerarada ay la kulmayaan markiibta yuhuuda.

Sida uu daabacay wargeyska cibriga ah ee Israel Hayom in dowladda Mareykanka ay keentay qorshe ay Xuuthiyiinta ku yareynayaan weerarada xoogan ee ay ku bartilmaameedsanayaan maraakiibta yuhuuda iyo kuwa reer galbeedka oo idil, islamarkaan xaalada ay qaboojiyaan.

Taa badalkeed Xuuthiyiinta ayaa ku hajabay iney sare usii qaadi doonaan weeraradooda, midaas oo ujeedkii mareykanka u rogtay dhanka kale, maamulka sahaayinada ayaa wali xeebaha badda cash adda ku wajahay weeraro lixaad leh oo uga imaanaya meleeshiyaatkan fadhigoodu uu yahay Yeman.

Dhanka kale midan waxay kusoo beegsantay ayaa la dhihi karaa xilli wali Binyamiin Natanyaahu uu ku jiro isbitaalka, xaaladiisa caafimaadna aanan laga heyn warbixin rasmi ah, taasoo ay sahaayino badan ka muujinayaan walaac xooga.

FAAFREEB PRO