Yahuuda iyo Itoobiya oo Heshiis Kala Saxiixday.

Feb 6, 2025

 

Maamulka Yahuudda Sahyuuniyadda iyo dowladda Xabashida Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in ay gaareen heshiis ballaaran oo is khaashi ah xilli loollanada siyaasadeed iyo awoodeed ee geeska qaaradda Afrika ay sii xoogeysanayaan.

Labadan maamul ayaa gaaray heshiis laba geesood ah oo ku salaysan biyaha iyo tamarta wuxuuna heshiiskan dowladda Xabashida Itoobiya siinayaa awood dhanka soo saarka korontada ah iyadoo ka faa’iidaysanaya farsamada Tignoolajiyadda ee Yahuudu ay caanka ku tahay.

Wasiirrad Tamarta ee Itoobiya iyo Sahaayinada ayaa qalinka ku duugay heshiiskan oo dhigaya in labada dhinac ay iska kaashadayaan ka faa’iidaysiga ilaha biyaha ee Xabashidu hodonka ku tahay iyo sare uqaadidda korontada lagasoo saarayo biya xireenka Alnahda ee laga duldhigsay halka uu kasoo burqado webiga Niil.

Iskaashi suurtagal ah ee ku saabsan tamarta aan dhammaaneyn sida korontada laga dhaliyo cadceedda iyo dabeysha ayaa kamid ah majaalaadka ay labada dhinac iska kaashanayaan waxaana la sheegay in Yahuuddu ay ka faa’iidaysan karto awoodda sii kordhaysa ee Itoobiya uleedahay dhinacyada tamarta korontada laga dhaliyo biyaha webiga Niil.

Sida lagu daabacay wakaaladda wararka rasmiga ah ee ku hadasha afka xabashida Itoobiya ayaa gacanta ku haysa biya xireenka ugu weyn qaaradda Afrika caalami ahaana ah midka 10aad ee dunida waxaana suuragal ah in Sahaayinadu ay gacan ka geystaan horumarinta biya xireenkan.

Maamulka Yahuudda sahyuuniyadda ayaa xiriir wanaagsan oo dhanka amniga iyo dhaqaalaha ah laleh sedax dowladood saliibiyiin ah kuwaas dhaca bariga afrika ciidamadooduna qeyb ka yihiin duullaanka saliibiga ah ee lagusoo qaaday soomaaliya, dowladahaas ayaa kala ah Itoobiya,Kenya iyo Yugaandha