Yahuuda oo Saldhig Ciidan Ka Samaysanaysa Somaliland iyo Imaaraatka oo Balanqaaday Dhismihiisa

Oct 19, 2024

Warbaahinta dowlada ridada Imaaraatka Carabta ayaa markii ugu horaysay daaha ka rogtay in maamulka gumystaha Yahuuda uu saldhig milatari ka samaysanayo deegaanada uu ka arimiyo maamulka Soomaaliland isagoo taageero ka helaya xukumada Abuu Dhabi.

Mowqica Emirates leaks oo soo xiganaya ilo diblumaasiyiin ah ayaa xusay in saldhigaan ciidan uu gumaystaha Yahuuda dhismihiisa ukafaala qaaday dowlada Imaaraatka Carabta, iyadoo ku bixinaysa lacag malaayin dollar ah.

Hogaanka maamulka ashahaado ladirirka ah ee Soomaaliland ayeey ku qancisay in la hirgaliyo xeradaan ciidan iyadoo looga badalanayo in maamulka isugu yeeray Israa’l in uu u aqoonsanayo dowlada madax banaan.

Warbixinta laguma xusin goobta sida rasmiga ah looga dhisayo xeradaan ciidan, balse xogo soo baxay bishii lasoo dhaafay ayaa tibaaxaya in laga dhisayo magaalada Berbera , oo Abuu Dhabi ay ku leedahay saldhig ciidan islamarkaana ay gacanta ku hayso garoonka iyo dekada magaaladaasi

Saldhiga ciidan ee Yahuuda ay doonayso in ay ka hirgaliyaan deegaanada uu ka arimiyo maamulka Soomaaliland waxaa sidookale qeyb ka ah xarun sirdoon oo lagula soconaya dhaqdhaqaaqyada kajira mandiqada.

Weerarada Xuuthiyiinta ay ku beegsanayaan magaalooyinka sahaayinada ay xooga ku haystaan iyo maraakiibtooda ganacsi, ayaa soo dadajiyay in Talaabiib ay ku fikirto qorshahe ay saldhig ciidan oo deg deg ah kaga hirgalinayso geesk Afrika, si ay halkaan uga weerarto kooxda ku daaban Iiraan ee fadhigeedu yahay ayna dhanka kale sugto amniga shnxnadeeda ganacsi ee ka gudbaya Baabyl Mandab.