Idaacadda Ciidanka Yuhuudda ayaa ka dhawaajisey in ciidankoodu u diyaar garoobayo sidii ay u weerari lahaayeen Iiraan. Idaacadda ayaa tibaaxdey in weerarku noqon doono mid aan hore loo arag.
Hanjabaaddan ka imanaysa dhanka Yuhuudda ayaa intaa ku dareysa in ciidamadoodu garab ka heli doonaan saaxiibbada ay ku leeyihiin mandiqadda Bariga Dhexe.
Wargeyska Yudiicoot Oxronoot ee Yuhuuddu leedahay waxa uu soo dusiyey xog sheegaysa in wax uu ugu yeeray “Dawladaha Saaxiibbada nala ah” iyo hoggaanka sare ee ciidanka Israel ay dhexmareen wada hadallo ku saabsan sidii la isaga garabsan lahaa weerarka jawaab celinta ah ee Dahraan.
Wargeysku waxa uu xusey in aaney diyaaradaha dagaalka ee Mareykanku ka qayb qaadan doonin dagaalka laakiin ay jiri doonaan iskaashiyo millateri oo u dhexeeya Telaabiib iyo Washington.
Khamiistii ina dhaaftey ayaa madaxweynaha Iiraan Mascuud Beseshkiyaan uu farriin Mareykanka u sii mariyey Qadar taas oo tibaaxeysay in marxaladdii isxakameyntu dhammaatey.
Dhanka kale hoggaamiyaha ugu sarreeya Iiraan Cali Khameni oo shaley khudbaddii Jimcaha kelmad Carabi ah jeediyey waxa uu tibaaxay in Bariga Dhexe laga difaaco cadowga Yuhuudda ee xadgudbeyaasha ah.
Bilowga bishan October waxa xuduudka Koonfureed ee Lubnaan ka dhacey iska hor imaadyo dhiigbax ku keenay ciidamadda dhulka ee Yuhuudda kuwaas oo rabey in ay gudaha u galaan dhulka Xisbullah maamusho.
Ciidanka Yuhuuddu waxa ay mar sii horreysay sheegeen in aaney haynin ciidamo badan oo ay ku bilaabaan hawlgal millateri oo berriga ah.