Yaxya Sinwar oo Badalay Booska Ismaaciil Haniyah.

Aug 7, 2024

Sacadihii lasoo dhaafay maamulka ugu sareeya ee Xamaas ayaa ku dhawaaqay in Yaxya Sinwaar uu noqdo hoggaamiyaha cusub ee xafiiskooda siyaasadda, kadib markii la dilay Ismail Haniyeh oo lagu beegsaday guri uu ka daganaa magaalada Tehran ee dalka Iran 31-dii July 2024.

Masuulkan cusub oo 61 jir ah ayey yuhuuda u arkaan inuu yahay maskaxdii ka dambeysay weerarkii 7-dii October ay kooxaaha muqaawamada ku qaadeen gudaha dhulka ay xooga ku heystaan, kaasoo ay kaga dhinteen saraakiil iyo askar fara badan qaarkalana loogaga kaxeystay maxaabiis ahaan.

“Dhaqdhaqaaqa iska caabinta Islaamiga ah ee Xamaas waxay ku dhawaaqaysaa in Taliye Yahya Sinwar loo doortay madaxa xafiiska siyaasadda ee dhaqdhaqaaqa, isagoo bedelaya shahiid Ismaaciil Haniyeh” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay muqaawamada.

Sinwar waxa uu ku dhashay magaalada Qaza gaar ahaan koonfurta Khan Younis,waxana uu ahaa madaxii hore ee hay’adda amniga ee Al-Majd,kaas oo u xilsaarnaa ciribtirka Falastiiniyiinta looga shakisan yahay in ay gacan saar la leeyihiin yuhuuda, waxa uu dhanka klae horay usoo noqday hogaamiyaha muqaawamada ee Marinka Gaza sanadkii 2017.

FAAFREEB PRO