Yuhuuda oo Dadaalo ugu Jira Sidii uu Saldhig Ciidan uga Heli Lahaaa Soomaaliya.

Sep 23, 2024

Xilli ay sii kordhayaan loollanada hubaysan ee ka taagan biyaha caalamiga ah ee kaabiga ku haya xeebaha Soomaaliya ayay soo baxayaan warar sheegaya in maamulka Yahuudda sahyuuniyadda uu saldhig ka sameysanayo qeyb kamid ah Soomaaliya.

Qaar kamid ah warbaahinta geeska afrika ayaa daabacday warar sheegaya in Yahuuddu ay wadaan dadaallo ay ku doonayaan in ay joogitaan melleteri ku yeeshaan gobollada waqooyi galbeed soomaaliya ee uu ka jiro maamulka isku magacaabay Somaliland.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in Yahuuddu ay qorsheyneyso in ay isticmaasho garoonka diyaaradaha ee Berbera kaasi oo ku yaal gobollada waqooyi galbeed ee loo yaqaan Somaliland si ay u ilaaliso maraakiibteeda ganacsi ee isticmaala Badda Cas.

magaalada Berbera oo leh garoon diyaaradeed oo muhiim ah islamarkaana ah mid istiraatiiji ah ayaa latilmaamayaa in uu hunguri weyn uga jiro yahuuda waana buqcadda ugu haboon ee ka difaaci karto maraakiibteeda weerarada adag kala kulmaya maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ee ka dagaallamaya Yemen.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Yahuuddu ay ballanqaadeen in ay bixinayso taageero milateri ah iyo caawimaad diblumaasiyadeed ku saabsan sidii maamulka isku magacaabay Soomaaliland loogu heli lahaa aqoonsi caalami ah.

Dhowr bilood ka hor ayay kooxaha Iiraan taabacsan ee ka dagaallamay Yemen waxay ka digeen in Yahuudu saldhigyo ku yeelato Berbera iyo Jabuuti.

Maamulka Riddada Somaliland ayaa dhowr jeer isku dayay in uu xiriir lasameysto Yahuudda Sahyuuniyadda waxaana la xusuustaa haddallo aqoonsi umuujinaya yahuudda oo uu horay ujeediyay Daahir Rayaale oo soo noqday madaxweynaha maamulkan fadhigiisu yahay Hargeysa

Haddii warkan dhab noqdo waxaa markale banaanka usoo baxaysa siyaasad xumida Muuse Biixi oo khaladaad waaweyn oo masiiri ah ugelaya sidii uu uheli lahaa aqoonsi.

FAAFREEB PRO