Diyaaradaha dagaalka maamulka Yuhuuda ayaa duqeymo ka geysatay magaalooyinka ay maamullan Xuutiyiinta ee gudaha dalka Yemen , Waxayna sida lagu soo waramayo beegsadeen garoonka diyaaradaha Raas Ciise iyo dekedda weyn ee Xudeydah.
Maleeshiyaatka ay dacmiso xukuumada shiicada ah ee Iran ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen ku sheegay inay goor sii horeysay banneeyeen inta badan haamaha shidaalka ee dekedda Xudeydah ka hor weerarka.
Waxaa dhanka kale xusid mudan in saacadihii lasoo dhaafay ay baraha kala duwan ee Internet-ka ay ku baaheen muuqaallada laga soo bandhigay goobta uu weerarkan ka dhacay, waxaana ka muuqanayey dab xoogan oo qabsaday haamaha keydka shidaalka ee yaala qaybo kamid ah dekedda muhiimka ah
Maamulka gumeystaha yuhuuda ayaa markan u muuqda mid doonaya in weeraradiisa ka danka maleeshiyaatka Xuuthiyiinta uu sii Laba jibaaro, uuna laayo dhamaan hogaanka sar sare waliba si lamid ah midii ku dhacday madaxdii ugu waaweyneyd ururuka isgu yeera Xisbullah oo lagu wada laayey muddo 2 isbuuc ah.
FAAFREEB PRO