Saxiifada Al-Qudus Al Carabiyah ayaa nashrisay maamulka Yahuudda oo ku dhawaaqay in 700 oo askari looga dilay dagaallada culus ee ka socda deegaannada Jiidda Qaza, iyo warbaahinta sahaayinada oo sheegaysa in khasaraauhu uu ka badanyahay caddeymaha uu bixiyay nidaamka Bin Yamiin Nitenyaahu.
Majalada ayaa sheegtay in howgallada kusii lixaadsanaya ciidanka gumeystaha gaar ahaa kuwa ku sugan xaafadda Al-Zaytuun, ay sababeen iney sii kororto tirda baqtiga askarta sahaayinada, waxayna gaarta ilaa 696, walow la aaminsanyahay misana ay warbaahinada gumeystuhu qaarkood qirayaan in cadadu ay intaas ka badantahay balse Nitanyaahu uu daah saarayo.
Wargeyskan oo wali sii wada ka hadlistiisa sida ciidamada yuhuuda loogu feenanayo gudaha Qaza, ayaa tusaale usoo qaatay weerar maalinimadii shalay ee Jimacaha ka dhacay isla xaafadan Al-Zaytuun, kaasoo dharbaaxo culus lagu gaariisyey gumeystaha, waxaana goobta weerarka yimid ilaa 5 diyaaradood oo nuuca gumaatiga u kaca ah iyagoona goobta dagaalka ka daad gureeyey baqti iyo hdaawacyo fara badan oo dhabarka loo saariyey askarta xukuumada isugu yeerta Israel.
Tira koobkan cusub ee uu soo saaray maamulka sahaayinada ayaa si aad ah ugu baahany saacadihii lasoo dhaafay baraha kaa duwan ee Internet-ka, iyadoona siyaasiyiin fara badan ay u akraan mid xaqiiqada ka fog oo uu Nitanyaahu ku qarinayo jabkiisa, halka kuwa kalana ay u sacba tumayaan caalamkana ay ugu muujinayaan mid xaqiiqada ku saleysan.
FAAFREEB PRO