Yuhuuda ayaa shaki galinaya caafimaad qabka Binyamiin Natanyaahu kadib markii uu maalmo ka hor maray qaliin halis ah.
Joornaalka Yadiicood Axranood ayaa sheegay in madaxda iyo qeybaha kale maamulka Natanyaahu ay walaac ka muujinayaan xaalada hubanti la’aanta ah ee uu ku suganyahay Binyamin Natanyaahu tan iyo markii qaliinka lagu sameeyey.
Waxaa lagu waramayaa in khubaro iyo dhakhaatiir sahaayino ah ay dalbadeen in qolooyinka caafimaadka ee gacanta ku haya kiiska Binyamin Natanyaahu ay soo saaraan warbixin dhameystiran oo faahfaahin guud ka bixineysa xaalada caafimaad ee Natanyaahu iyo inta uu kusii jiri doono isbitaalka, si dadka ay ula socdaan xaalada ninkan, balse wali wax jawaab ah kama soo bixin arinkaas, waana mida walaaca daran ku beertay madaxda yuhuuda qaarkood.
Falanqeeyaasha qaar ayaa ka dardaar warinaya xaalada madaxa sahaayinada, waxaana lagu tilmaamayaa mid lamid ah tii Joe Biden ku sababtay inuu isaga haro tartankii doorasho ee Mareykanka, Binyamiin Natanayahu oo hadda ah 75 ayaana ka baqanaya in waqti xaadirkaan uu kursigiisa waayo isagoo aamisan iney u dhimantahay qabyo badan, balse moogan inuu jaxiimo hor leh uu lugaha lasii galayo.
FAAFREEB PRO